Reer Muqdishow Maxaa nala gudboon: Xamar Baa Qarax Ka Dhacey Xiiso Maleh

1- In ey jiraan daneystayaal badan oo ka mashaaca fowdada iyo sharci la’aanta Muqdisho, waa la ogyahey

2- In eysan dan ka laheyn dadka oo wada dhamaada, waa la ogyahey

3- In ey nabadda waxa ey u diidanyihiin ey kaliya tahey yaaney idinku dhismin dowlad iyo sharci iyo nidaam idinla xisaabtama, waa la ogyahey

4- Iney dhib ku hayaan danleydan shacabka Muqdisho oo ey dhiigooda daadiyaan hantidoodana burburiyaan, argagaxna ku beeraan iyo cabsi, waa la ogyahey

5- Waxaanse la ogeyn weli waa:-
Yaa badan inta daneystaha xaaraan ku noolka ah ee aan Muqdisho u rabin nabad, degenaan, sharci iyo nidaam toona ee diyaarka u ah iney dhiiga shacabka daadiyaan, daaraha dumiyaan iyo inta daacadda ah ee xalaal quudatada ah ee ey dhibeyso in dhiigooda maalaayacni lagu daadiyo maalin walba hantidoodana lagu burburiyo?

Inkastoo qadarta aan la celin karin, laakiin waa in Mas’uuliyadda cid qaadataa oo lagula xisaabtamaa, halka la weeraray ma aheyn Hotel iyo maqaayad midna, waa xarun dowladeed oo labo wasaaradood degan yihiin, kuna yaallo War laliska taleefanada 888 ee Booliska.

Waxaa ka horeeyo Koontarool adag oo aan cidna si fudud ku soo dhaafi karin, tiiyo dhamaan jidadkii loo soo marayay ay xiran yihiin oo ay ciidamo ku sugan yihiin.