Qarax ismiidaamin ah: Rag hubeesan oo galay xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

FAAH FAAHIN Rag hubeesan oo galay xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Qarax Labaad oo dhacay.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay kuwa kalana waa ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo daqooqado u dahxeesay ayaa kadahcay Wasaarada arimaha gudaha oo kutaala halka loo yaqaano Oto-oto ee isgooyska sayidka. Waxa saraakiisha ay sheegayaan in dabaqa labaad ee xarunta 888 ay ku jiraan ragii dagaalamayay.

Ciidama ammanka ayaa isku dayaya badbaadinta dadka ku jira halkaa. waxii warar dheeraad ah ilasoco.

Qarax ismiidaamin iyo mid toos ah ayaa lagu qaaday sida aan Wararka ku helnay xarumaha Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Amniga oo kuyaala Ex Xaruntii hore ee Oto Oto ee ku dhagan isgooska Sayidka.

Dabley hubeesan ayaa lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xarumaha Wasaaradahaasi oo kuyaala hal dhismo, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas aad u culus oo u muuqda kuwa la is dhaafsanao.

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay koontaroolka yaala Isgooska Sayidka sidoo kale ku aadan halka laga galo xarumaha Wasaarada Amniga iyo sidoo kale arimaha Gudaha.

Qaraxa kadib ayaa dabley hubeesan ku carareen dhinaca xarumaha Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha halkaas oo lasoo sheegayo in ay gudaha ugu jiraan qeybo kamid ah wasaaradahaasi.

Xaalad cakirnaan ah ayaa ka jira aaga isgooska sayidka, waxaan halkaasi buux dhaafiyay ciidamo aad u badan kuwaa oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa isgooska Sayidka.

Dhinaca kale qarax labaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Sayidka, qaraxaan labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari ay ka dageen raga hubeesan ee weeraray Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha.