MAQAAL: KOOBKA ADDUUNKA WAA DHA-DHAN BEELAY WAX LA DAAWADANA MA LEH MAR HADDII LA REEBAY BRAZIL

Mucjiso isborti ayaa timid, Xulal aan u qalmin inay badiyaan ayaa adkaadey, faan & booto ayaa meel lagala joogi la’ yahay waddamadii lagu yaqiinay tabar-darrada cayaareed, Nasiibka ayaa u hiiliyay dalal badan oo aan istaahilin inay soo gaaraan heerka ay iminka joogaan.

Nasiib-darro Brazil oo aheyd Qaranka kaliya ee Quruxda, Macaanka iyo Xiisahaba u yeelayay socoshada cayaaraha Koobka Adduunka ee 2018 -ka ayaa xalay dhulka lagu dhuftay, la yaab ayay adduunka ku noqotay in Brazil ay ka badiyeen wiilashii matalayay xulka Belgium-ka, Caku Ciil badanaa koox aan awood kugu Dhameyn ha kaa badiso.

Brazil oo loo saadaalinayay inay Koobka hannan doonto xalay waxay u aheyd #Habeen_Maddow, xulka Jaalayaasha 100% waa ka cayaar badnaayeen kuwii ka adkaadey, Xalaal Caleyk ayaa Brazil & taageerayaasheeda u furan laakiin haddii xulkii tartanka loogu jeclaa la reebay nabee Koobka Adduunka wax la sii daawado ma leh.

Shiiqaalow  Xassan !