Ma Dhabaa In Wada Shaqeyn Ka Dhexeyso Ciidamada Xasilinta Gobolka Banaadir Iyo Ururka Alshabaab

Hawl galkaan ayaa ku billowday ciidamado badan oo magaalada lagu soo daadshay kuwaas oo loogu magac daray Ciidamada Xasilinta caasimadda oo taagnaa inta badan laamiyada magaalada Muqdisho iyo xaafada qaar.

Waxaana la arkayay ayagoo baaraya dhammaan baabuurta waddooyinkaas marayay,ciidamada xasilinta ayaa inta badan waxa ay hawl maalmeedkoodu noqday sidii ay lacag uga sameyn lahaayeen baraha koontaroolada ay maamulaan, waana mida keentay in dadka wata gaadiidka ay u kala saaraan laba qeyb, qeybi waa kuwo fahmay sida fudud ee wadada lagu maro, qeybtaas oo lacago joogto ah bixiya, qeybna waa kuwa maanta oo dhan wadada lagu heysto waqtina looga lumiyo.

Gaadiidka Ay Wataan Ururka Alshaab Ayaa Had Iyo Goor Si Sahlan Ku Gudba Baraha Koontaroolada Ee Ay Joogaan Ciidamada Xasilinta Gobolka Banaadir.

Waxaana Marqaati Cad Ah In uu Wada Shaqeyn Ka Dhexeeyo,Waayo Weli Xukuumada Kheyre Ayaan Si Dhab Ah Ula Xisaabtamin,Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taa oo Sabab Looga Dhigay Saadaq John Wuxuu Sxb Dhaw La Yahay Reysilwasaare Kheyre.

Aaway cadaaladii, aaway sharcigii qaban lahaa ciidamada dadka shacabka ku dhibaya in ay qasab lacag ku bixiyaan, xitaa gaadiidkii dadweynaha ee caasimada ka dhex shaqeynayay ayaa dhibta badan ku qaba ciidamada xasilinta, dadka qaar ayaad arkeysaa iyagoo mararka qaar ku dacweynaya taliyaha bartaas xukumayay nasiib daro jawaabta taliyaha ayaa noqotay sidaan inta aadan  aniga ii soo dacwoonin maxaad isaga bixin weyday lacagta loo yaqaan qorax joog.

Waa yaabe hadii taliyihii ciidamada xasilinta ee qeybtaas maamulaayay uu sidaa u hadlayo, Sidee Loogu aamini Karaa Amaanka Shacabka Somaaliyeed

Waa Maxay Sababaha waddada loo xiray, Isla Markaana Looga Hortagi Waayay Baabuurta Qaraxyada Lagu Soo Rararo Kol Hadii Ay DowladuXirtay Wadooyinkii Magaalada oo Dhan,Ummadana Loo Kadeeday,Isla Markaana Isla Xisaabtan Dhab Ah

Jimcaalenuurxuseen@gmail.com