Xulka qaranka Ingiriiska ayaa u soo baxay Semi final-ka koobka adduunka kadib guul 2-0 ah oo ay ka gaareen xulka Sweden.
England ayaa goolasha ka kala heshay Harry Maguire iyo Jesse Lingard, laakiin midna kuma guulaysan laacibka ugu fiican ciyaarta.
FIFA ayaa u dooratay goolhaye Jordan Pickford xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta maadaama uu kubaddo badan oo halis ah uu ka badbaadiyay goolka xulkiisa.