Guddoomiyihii Hore Ee Qoryooley Oo Qarax Lagu Dilay

Faah faahinoo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooley Cismaan Sheekh Cali Buraale oo la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen laba ruux oo la socday Maxruumka.

Guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooley Marxuum Cismaan Sheekh Cali Buraale ayaa la sheegay in iminka maamulka K/ Galbeed uu u qaabilsanaa dhismaha garoonka degmada Barwaawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.