Ciidamo dabley ah Oo Dilay Taliye Ka Tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland Iyo Somaliland oo ka hadashay

Ciidamo dabley ah Oo Dilay Taliye Ka Tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland

Taliyihii ciidanka millatariga Taleex ee Somaliland Saleebaan Cabdi Caatay ayaa geeriyooday kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka ay si kedis ah iyagoo safar ku jira ugu tallaabeen dhanka Puntland ee aagga God-qaboobe –

Sida uu sheegay wasiirka biyaha oo warbaahinta la hadlay.
Wararka kala duwan ayaa sheegay in taliyaha iyo saraakiishii la socday markii ay u tallaabeen dhanka Puntland ay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay halkaasi Ku dileen taliyihii halkaasina ay Ku dhaawaceen Maayarkii Degmada Taleex.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland si dhokhso ah tallaabo u qaadi doonaan.

Maayirka degmada Taleex oo isna safarka ku wehelinaayye taliyaha ayaa isna dhaawacmay.