MAQAAL: IMAARAATKA IYO GUMAYNTA GARDAFUU.

Sannadkii hore ayay ahayd, markii aan asxaabta la wadaagay maqaal tarjuman oo ciwaankiisu ahaa “DP World: Toogasha Imaaraat ee Ummadaha.”

Wili na xaalku waa sidii oo hardankii Imaaraat iyo ummadaha ka dhaxeeyay waa uu soconayaa.

Shalay dekedaha Cadan, Cosob, Jabbuuti, Suudaan, Bebera, iyo Boosaaso ayaa la ogaa midday ka dhigeen ama ku dhigeen, maantayna waa Raas Casayr iyo Caluula oo bajaqin iyo gumayn lala maaggan yahay, iyadoo loo soo marayo odayaal dhuuni-raac ah, oo iskaba daa in ay meel fog wax ka eegaan e, iyagu gummaynta u horseedaya dadkooda.

Imaaraatkan ay caruurtii Zaayid ku falaadayso, wax ay hardan-loo-wakiishay goorwalbe kula jiraan ummadaha gobta ah ee dunidan ku nool. Waa kuwa afgembigii Turkiga ee 2016 fashilmay maalgelintiisii ay lahaayeen.

Waa kuwa ayaamo ka hor Tunisia afgembi ku dayay hase ahaate la fashiliyay. Waa kuwa Malayziyada Mahathir Alle ku samata bixiyay curyaamin lahaa kaddib markii ay gateen Najib Abdirazak (Raysal wasaarihii hore).

Waa kuwa reer Liibiya gacanta u geliyay General Xaftar oo Imaaraatkan daba-dhilif u ah umaddiisana libaaxa ku ah.

Waa kuwa afgembigii Masar ee Mursi xilka lagaga tuuray maalgelinayay. Waa kuwa afgemigii Suudaan ee fashilmay ee uu Taaha Cusmaan hoggaaminayay hor boodayay. Waa kuwa hormuudka ka ah gummaynta reer Falastiin iyo duudsiinta dhulkooda, ayagoo damiir xumadooda si bareer ah u maalgelinaya heshiiska loogu magac daray “Heshiiska qarniga” ee lagu damacsanyahay in umadda reer Falastiin lagu duudsiiyo xaqqooda iyo dhulkooda loona sii gumeeyo cadowgooda gumaysanaya ee Israa’iil.

Waa kuwa sida bareerka ah TV-yadooda uga ololaynaya in gumaystaha Israa’iil har-cad la la saaxiibo. Waa kuwa sida arxan-darrada ah u burburinaya, una laynaya shicibka Yemen. Waa kuwa xabsiyada qarsoodiga ah ee sharci darrada ah ka dhistay Yemen & Imaaraat si loogu caddibo qofkii danahooda diida. Waa kuwa.. waa kuwa.. waa kuwa.

Kuwa noocaas ahi in laga fishaa inay maalgashi hufan iyo horumar noo horseedayaan, waxa ay la mid tahay shaydaan oo laga fishay khayr iyo janno in uu na la doonayo.

ملعونين أينما ثقفوا.
W/Q Eng. Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax