Maqaal: Beentaada hore runtaada dambeey u darantahay

Maalin dhaweyd waxaan daawaaday farriin ay warbaahinta Goobjoog ka duubtay afhayeenka maamulka Galmudug (inkastoo aanan hubin in uu weli afhayeen u yahay maamulkaas iyo in kale), Cabdullahi Xaashi Roobda’ay ku sheegay in ciidanka Nabad Sugidda dawaladdu ay afduubeen.

Telefeshinka Goobjoog ee warkaas sii daayay ma samayn isku dheelli tir warka uu soo daayay, maxaa yeelay inta aan ka warqabo telefishinku ma soo xigan dhanka dawladda, taasina waxay ka dhigtay in warkaas ahaa mid hal dhinac ah.Waxaa ka maqanaa (impartiality) dhex dhexaadnimo.

Wariyuhu wuu yeelan karaa fikraddiisa gaar ah, balse warbaahinta xorta ah waxaa laga rabaa in ay kala shaandheyso wararka iyo warbixinnada ay dadweynaha u soo gudbinayaan, kana reebaan waxyaabaha aan ku habboonayn diinta iyo dhaqanka ka hor inta aan dadweynaha lala wadaagin.

Dhawr xilidhibaan oo ka mid ah, kuwo inta badan dhaliila siyaasadda dawladda ayaa durbadiiba cambaareeyay xarigga uu Roobd’ay sheegtay in ciidamada dawladdu u gaysteen, laakiin sida muuqata, xildhibaannadu ma samayn baaritaan ku saabsan in arrinku sax yahay iyo in kale.Soomaalidu waxay ku maah maahdaa hubsiimo hal baa la siistaa.

Iyadoo lagu jahwareersanaa warka afhayeenka ka soo yeeray ayaa waxaa ka daba yimid muuqaal kale oo baraha bulshada qabsaday, kaasoo ka hor imaanaya hadalkii horey uga soo yeeray Roobd’ay ee ahaa in qol mugdi ah lagu xiray. Way adagtahay in la rumaysto muqaalkaas, waxaana habboon in tani ay cashar u noqoto warbaahinta. Qaladkaaga hore waa in aad wax ka barataa. Sidaa daraaddeed waxaa la gudboon idaacadaha madaxa bannaan in ay iska hubiyaan wararka si aysan u dhicin tan oo kale mar labaad. Sidoo kale, xildibaannada waxaa u wanaagsan in ay iyaguna aad isaga hubiyaan waxyaabaha ay ku dhalliilaan dawladda si loo kala garto wixii ku salaysan mucaaradnimo wax dhisaysa (Constructive criticism) iyo mid wax duminaysa oo ku salaysan dacaayad been ah.