DAGAALKA QABOOW EE DHAQAALE, CHINA, JABUUTI, UAE, ETHOPIA, ERITREA, TURKIGA IYO SOOMAALIDA YAA KU GUULEESAN DOONO?

Hong Kong waxay ahayd matoorka dhaqaalaha wada (economic engine) ee isku xira Aasiya, Yurub iyo America tasoo maal gashiga ay lahaayeen ganacsatadda aduunka ugu waaweyn, markii ay soo dhawaatay in xuriyadda lagu wareejiyo China waxay taasi cabsi gelisay maal qabeenadaasi ayagoo ka cabsanaayay inay hoos tagaan China oo ah dowlad Shuuci ah.

Inta aan la gaarin 1997 oo ahayd markii lagu wareejin lahaa China waxaa laga fikiray in la helo suuq kale oo lagu badalo Hong Kong, waana sababta Dubai ay ku dhismatay, sheikh Dubai waxaa uu ogaa in batroolka uu ka dhanaanaayo mudo yar ka dib asagoo raadinaayay inuu la yimaado jidkale oo dhaqaalahiisa sii wado oo aanan ahayn batroolka.

Dowladda China waxay la timid fikir cusub si aan Hong Hong looga guurin waxayna ogolaatay inay siiso madaxbanaani dadban tasoo meesha ka saartay qorshahii Egariiska iyo Dubai. Arintaas ka dib Dubai waxay ku qasbanaatay inay ku noqoto suuqa oo ay gato services ama dalaal waayo waxna ma soo saarto dadkeedana ma laha aqoon sare.

Waxaa kaloo ayadana jirta in deen badan lagu leeyahay Dubai, deentaasoo inta badan lagu dhisay Dubai ayna lagactaas ay ku leeyiihiin bankiyada Mareeykanka.

Hadaba Dubai maxay ku sugan tahay maanta?

Ka dib markii ay ku soo rogeen canshuur gacansatadii, ka dib markeey ku adkeeyeen 22 dowladood oo Africaan Visa. Waxaa kaloo ayadana mudan in la tilmaamo xiriirka siyaasadeed ee Iran, Somali iyo Yamen oo sii xumaaday arimahaas oo dhan waxay dhawaceen dhaqaalahii dalkaas, ka soo qaad Suuq Dahab waxaa lagu gadan jiray furaha kaliya 1 malyan iyo bar maantana waa markii ugu horeeysay 50 sano la arkaayo dukaamadii oo cidlo ah. Halkii lagu gadan jiray guryaha per squre tf 2,500 dirhams wuxuu maanta marayaa per square ft of 500 dirhams. Waxaa kaloo jira inay la xiraayo gacansi badan moolalka, maqaayadahii waaweynaa, bankiyo iyo meelahii dalxiiska.

Arintaas sidii Honk Kong waxaa fursad u arkay Jabuuti inay ayada ka wareegto suuqii dhaqalaha inta ay Soomaaliya soo kicin, Emaratiga wuxuu doonaayay inuu Soomaaliya qabsado uuna Turkiga ka saaro si uu markale ula wareego suuqa dhaqaalaha Africa oo dhaqaalayahanka aduunka ay isku raaceen inuu africa ay tahay Dhaqalaha mustaqbilka, Wali Emaratiga waxay doonayaan inay xarun dhaqaale ka dhigaan Asmara si ay Soomaaliya looga hor tago inay la wareegto dhaqaalahaas ayadoo garabsaneeysa Turkiga waayo Turkiga waxaa uu doonayaa inuu asaga hoos timaado suuqaas si uu warshadahiisa ay suuq geyn uga sameeyaan Africa.

Hadaba waxaan aaminsanahay anigoo isticmaalaayay waayo aragnimadda iyo aqoonta aan u leeyhay dhanka beec mushtarka caalamka iyo dhaqaalaha in Somalia ay adagtahay in laga guuleeysto waayo waxaan leenahay dad aad ugu fiican beec mushtarka iyo bad dheer labadaas waxay I tusayaan hadii ay Soomaalida heshiiso oo la xoojiyo dowladnimadda inay Soomaaliya noqoneeyso Dubai dii Africa.

Waxaa kaloo ayadana mudan in la xuso Jabuuti waxay wadataa China, Marka loo eego Turkiga China, Turkiga ayaa ka waxkasta kaga fiican China dhanka Quality-ka waayo waxiisa waa sida yurubka oo kale. Dhanka kale Emaratiga waxba ma sameeyo waa dalaal Marka loo eego Turkiga.

Waxaan markale kula talinayaa ganacsata Soomaaliyeed iyo dowlada in aad loo adkeeyo xiriirka Turkiga si uusan suuqaas Africa gacan teena uga bixin. Waxaan ku kalsoonahay inaan guuleeysan karno Waayo waxaan nahay gacansatada Africa. Inshalaah.

Sheikhnor Abucar Qassim