Saalax Xasan Cumar (Salax Dheere) oo loo magacaabay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir  Saalax Xasan Cumar oo loo yaqaano Salax Dheere.

Maamulka degmooyinka iyo kan gobolkaba ayaa lagu ogeysiiyay in wixii xiligaan ka dambeeya afhayeen gobolka uu yahay Saalax Xasan Cumar.