Mourinho oo dhaleeceeyay ciyaartoyda England: “Dadka oo dhan waxay ku mashquulsan

Jose Mourinho ayaa wuxuu dhaleeceeyay xidig ka tirsan xulka qaranka England, kadib markii uu ku tilmaamay inuu ka careesiiyay garsoorka kulankii Colombia Mark Geiger.

Macalinka kooxda Manchester United ayaa kala jadlay wargeyska “Calcio Mercato” kulankii England iyo Colombia.

“Dadka oo dhan waxay diirada saarayaan Neymar, laakiin isaga oo kaliya ma ahan dadka qiyaaneya garsoorka, waan ku farxi doonaa, laakiin kaligiis ma ahan”.

Neymar Jr ayaa la kulmay dhaleeceen xoogan, kadib kulankii Mexico ee wareega 16-ka koobk aduunka 2018, sababa la xiriira in uu si ula kac ah dhulka isugu tuuray in ka badan hal jeer inta uu kulanka socday

“Koox kasta waxay leedahay ciyaartoy badan in badan ee ka careesiiya garsoorka, kaliya waxay sugaan qalad yariis ee lagu sameeyo si garsoorka ay u cadaadiyaan garsoorka,kuma xirna kaliya England iyo Colombia ee waa kulan kasta ee la ciyaaro”,

“Waxaan la yaabay kadib markii aan arkay difaaca xulka England Harry Maguire, inta badan waa daacad, laakiin wuxuu isku dayayay in uu garsoorka kaga careesiiyo xerada ganaaxa gudaheeda, isagoo ka codsanaya inuu ku laabto farsamada fiidiyowga.”

“Ciyaartoyda waa inay dareemaan mas’uuliyad marka ay ciyaarayaan Koobka Aduunka ee loogu talagalay inay daawadaan balaayiin qof”.