MAQAAL: IILKA KII DHIGAY U DACWOOTOOY

Xildhibaan FIQI waxa uu horay u sheegay oo laga siidaayay idaacadaha iyo saxaafada oo dhan “Madaxwayne farmaajo ha ogaado adeerkii siyaad bare ayaan inta gobolada dhexe iska soo aruursanay oo MOGDISHO isugu nimid kadibna xoog uuga saaray madaxtooyada,ha xasuusto 1990kii hadana isaga waa kasaaraynaa”waxay ahayd fariin kicin qabiil ah si soomaaliya u helin dawladnimo,sharaf karaamo soomaalinimo.laakiin laysu haysto,laysu dilo qabiil qabiil. waa fikirka dawladiid.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa lagu xasuustaa hadalkii uu yiri “Anagii martida naloo ahaa,ayaa nala soo weeraray oo kuwii martida noo ahaa ayaa na weeraraya”.qabiilka Farmaajo Muqdisho malaha waa shisheeye ajinabi ah ayuu yiri iyo hadalo kasii foolxun oo ah fariin lagu kala gaynayo umada soomaaliyeed ee walaalaha ah,waa fariin la diri raysay soomaaliya oo hesha dawlad,waa fikir dawlad diid.

Shiikh Baaruud markii la arkay in uu dhisayo oo hiil iyo hooba la garabtaagan yahay dawladiisa diintiisa iyo dalkiisa oo uu rabo soomaaliya oo hesha nabad iyo dawladnimo iyo nolol,ayaa xildhibaan Fiqi weerar afka ah ku qaaday sheekhii oo loogu han jabay cagaha ka qaado MOGDISHO uma aadan dhalan eihtiopia ayaad ka timid iyo somaali galbeed waana ku masaafurinaynaa ayuu ku yiri xildhibaan Fiqi,waa tii idaacadaha iyo taleefishinada warbaahinta laga soo daayay shiikhii oo leh goormaan ajinabi noqday oo layga saaray soomaalinimadii?

Dowlad diidku waa isla kooxdii dhiibay Qalbi Dhagax kuna doodayay wixii dhiiglahoow kaca Qalbi dhagax oo soomaali ah wadani ah ayaa loo dhibay eithipia.

Fiqi miyuusan ogayn in Wadani Qalbi dhagax laga soo qabtay koonfurta Gaalkacyo? mayee waa ogyahay waxna waa ka ogaa qabashadiisa.

Wadaniga Qalbi dhagax waa madaxwaynaha mustaqbalka somaliya 2021 shacabka somaliyeed meel walba ay joogaa waa taageersan yihiin su’aasha waxay tahay xildhibaan Fiqi iyo kuwa kale ee dowlad diidka ah mala shaqayn doonaan ?

Xildhibaan Fiqi sawir uu la galo Wadani Qalbi dhagax wadani kuma noqonayo.

Yasin Ali Gass