Faroole ”Puntland oo ku sii burbureyso gacmaha Cabdiweli Gaas…”

Waxaa markhaati ma doonta ah in Puntland ku sii burbureyso gacmaha Cabdiweli Gaas, marka laga soo tago dhibaatooyinka kale ee ka jira maamulka, ayaa waxyaalaha ugu cajiibka badan waxaa kamid ah intii colaada Tukaraq bilaabatey in maalin walba baraha bulshada aad ku arkeyso Beel hebel ayaa furinta geysay ciidamo, baabuur ayaa lala soo baxsadey, tekniko ayaa la qabsadey, weerar ayaa dhowaan la qaadayaa, ciidamo ayaa kasoo baxay meel hebel oo ku sii jeeda Tukaraq iyo waxyaalo lamid ah.

Taliskii ciidanka Puntland iyo golihii fulinta ee Gaas Halkee ka baxeen, nidaamkii dowladnimo ee Puntland ma waxay dib ugu wareejiyeen beelihii dhistey 1998 iyo kooxda dhalinyarada ah ee camerada la daba ordeysa ciidamada ay soo ururiyeen kuwasoo Facebook soo dhiga sawiradaan islamrkiiba.!!!

Puntland waxay u muuqataa iney dib ugu noqotey sanadihii 1990 markii dalka Soomaaliya ka socdeen dagaalada sokeeye.

#NB Puntland hadda ayey u baahan tahay Badbaado rasmiya iyo in la sii Daba-qabto inta ka hartey.

Mohamed Abdirahman Faroole