Faallo: Hala Qalbi Dhagax: riyadii 2020?

Xalay waxaan ku riyoodey Qalbi Dhagax oo 2020 Shacabka Somaliyeed u doorteen Madaxweyne, aniga waxaan ka mid noqdey dadkii la shaqeeyey xagga olalaha doorashada. Markii lagaaray maalin kahor caleema saarka ayuu wuxuu i weydiiyey, maxaa igula talineysaa?

Waxaan iri: Farmaajo markuu xil wareejinta sameeyo Baafala u masaafuri shaqadiisa haku laabtee, Kheyrana Oslo u masaafuri, lakin xil qaran ayee soo qabteene indhaha iyo gacmaha yaana laga xirin!

Wuxuu igu yiri yaan abaal mariyaa?
Waxaan iri: Odawaa iyo Fiqi oo si bareer ah marwalba xaaladaada uga hadli jiray, iyo xisbiyadii arintaada lagu colaadiyey!

Waxaad kaloo cadaalad iyo hormar ku abaal marisaa, shacabka Somaliyeed ee arintaada ka dhiidhiyey haddana codkooda ku siiyey, soona celiyey dareyn walalnimo iyo mid Somalinimo, ayagoo tuuray qabiil iyo nin jecleysi.

Wuxuu yiri adiga maxaan kugu abaal mariyaa?

Waxaan iri: aniga inaan shaqo qabto ayaan jeclahay, maba sugi karo inta aad xilka la waregeyso, ee madaxa qaban qaabada musaafurinta kheyre iyo Farmaajo hadda ii magacow!

Wuxuu yiri, dhamaantood waan cafinayaa, waxaana ka shaqeynayaa midnimo iyo iscafin, dadka Somaliyeedna waxaan ku hogaaminayaa cadaakad, iscafin iyo hormar.

Adiga waxaan kuu magacaabayaa Wasiirka iscafinta iyo kashaqeynta midnimada!

halkaas markey mareyso ayaan soo kacay!!

2020?

FG: siyaasada iyo sida uu rabo Qalbi-dhagax ma aqaan. Siyaasad ahaana ma taageersani.

WQ: Mohamed Qaasim Turaabi