Australia oo Xirtay Haweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay argagaxisanimo

Wararka ka imaanaya dalka Australia ayaa sheegaya in ciidamada Police ka dalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen haweeney soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay xariir la laheyd kooxda daacish islamarkaana haatan baaritaano dheeraad ah ay kusocdaan.

Haweyneydaan ayaa magaceeda lagu sheegay Zainab Abdirahman Khaliif oo 23 sano jir isla markaana aheyd kalkaaliso caafimaad ayaa lagu soo oogay falkan ah in ay tahay xubin katirsan kooxdaasi.

Zainab Abdirahman ayaa mudo ku nooleyd dalkaasi halkaa oo tagtay iyadoo 14 sano jir ah balse maxkamada dalkaasi ayaa sheegtay in baraha Online ay ka taageeri jirtay kooxda Daacish isla markaana heeso Propaganda ah oo looqaadayo kooxdaasi ay soodhigtay baraha bulshada.

Craig Caldicott oo ahaa qareenkii u doodayay haweeneydaasi soomaaliyeed ayaa carabaabay in uu sii socon doono kiiskan maadama ilaa iyo haatan aanan laxukumin isagoona sheegay in maxkamadu ay latimid cadeymo dhameystiran.

Cartney oo ah taliyaha ciidamada Police ka dalka Australia ayaa sheegay in gabadaasi ay tahay muwaadin soomaali ah isagoona shegay in bartil maameedkoodu uusan aheyn qolo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo balse barti maameed koodu uu ahaa dadka dambiyada ama falalka lagu taageero ururo kagala dalkaasi.