Qof isla Quman ”Markii Kuwa wax ganaaxa soo koraan tareenka, waxaan akhristaa Quraan…,”

Wuxuu igu yiri; tigidh tareen ma iibsado, weligayna la ima ganaaxin. Waxaan ku iri sidey ku dhacday? Wuxuu igu yiri; marka baarayaasha tigidhada tareenka soo galaan waxaan akhristaa aayadaha hore ee suuratul Yaasiin, ilaahey baa iga indha saaba. Cajiib! Ninkaas sidaas u suurad xumeenaya Alle iyo diintiisaba wuu isla quman yahay oo wuxuu aaminsan yahay inuu leeyahay karaamaad.

Arrinkaana iyadoo noocyo kala duwan ah ayeey isoo martay, oo waxaan arkay dad ducada iyo Qur’aanka u adeegsanaya iney ku daboolaan denbiyo ey galayaan ama xatooyo xoolo dadweyne ey geysteen.

Waxaan hadda ka hor deris aheyn nin Gaana u dhashay oo daroogada iibiya. Saaxiibadiis dhammaan waa la qabtay oo waa la xiray. Maalin baan waxaan si kaftan ah ugu iri; ninyahow nasiib badnidaa, saaxiibadaa waa la xiray adigana waad baxsataa marwalba oo police kusoo baacsadaan. Wuxuu igu yiri; aabahey baa duco i baray, ducadaas ayaan akhristaa marwalba, policeka waxay i istaajiyaan mar aan daroogada soo iibiyay oo aanan waxba ka heyn. Wey i abaaraan, markey wax iga waayaan wey iska key daayaan, cajiib! Ogoow ninkaan wuxuu dadka ka iibinayaa waa; heroin, cocaine, cracks iyo daroogooyinka dilaaga ah.

Sidoo kale, ururada argagixisada markey laynayaan dad Muslimiin ah oo masaajid salaad u taagan, waxay kaalmeystaan oo soo qaloocistaan aayado iyo ducooyin — iyagoo ku doodaya in Alle falkaas foosha xun uu ku garabsiinayo.

Arrimahaan oo dhan iyo fahankaan liita ee Islaamka laga qaatay wuxuu soo saaray bolshooyin caajis ah oo aan hal-abuur laheyn — xataa kan tuuga ah ee wax xadaya wuxuu rabaa inuu Qur’aan iyo ducooyin kaalmeysto. Kan siyaasiga ah ee hantida dadweynaha barqo cad liqaya aayadihiisa iyo ducooyinkiisa waa u diyaar. Oday dhaqmeedka beelo Muslimiin ah dhiigooda xalaaleystay ilaahey baa nala jira buu ku doodayaa.

Fahankaan hooseeya waakan Dunida Islaamka dib-u-dhaca u horseeday. Waxaa la inooga baahan yahay inaan fahankaan gurracan ku bedelno mid hal-abuur iyo isku filnaasho. Alle waa inoo sameeyay wax walba oo aan nafteena ku hormarin karno, intaan ku duceysan laheyn ilaahow iga indha saab baarayaasha tareenka, aan shaqeysanno iskana bixino tigidhka tareenka.

Cabdicasiis Carab