Al-Shabaab iyo dadka degaanka oo dagaal ku dhex maraya Xaradheere

Wararka naga soo gaaraya Saaka Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi hadda uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu biloowda Xalay saqdii dhexe ilaa haddana uu socdo.

Dagaalkaasi ayaa salka ku hayo kadib markii dadka deegaankaasi iyo Al-Shabaab uu qilaaf soo kala dhexgalay.

Qilaafka ayaa ahaa in Al-Shabaab dadka deegaankaasi ay ku amreen in ay dhalinyaradoda ku soo wareejiyaan si dagaalada Al-Shabaab ay uga qeeyb qaataan.

Mid kamid ah Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka deegaanka ay ka soo horjeeysteen awaamiir ka soo baxday Al-shabaab.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi maadaama dagaalka hadda uu socdo.

Magaalo Xeebeedka Xaradheere ee dhacday Gobolka Mudug ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay ku xooganyihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.