Yoonis ”Waxaan soo dhaweeynaya wareegtada uu soo saaray Eng Yariisow

Waxaan soo dhaweeynaya wareegtada uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magalada Muqdisho Mudane Abdiraxmaan Omar Osman Eng Yariisow oo ku soo saaray in Dib loo soo celiyo hantida Qaranka.

Waxaan og nahay hantida Qaranka ee maqan ineey u maqan yihiin siyaabo kala duwan. Kuwo lagu helay heshiisyo dowladihii ka horeeyay dowlada hada jirta iyo kuwa si sharciga wafaq saneen loo haaysto.

Kuwa lagu helay heshiisyo sharci ah waxaa jira qoraalo ku cad inta sano heshiiska la galay iwm, taas in la xaliyaa waa wax fudud. Tan sida xooga ama warqado been abuur ah loo heeysto waa lagama hadlaan.

Waxaan khaba xitaa in lagu soo dalaca canshuur inta la heeystay hantida Qaran, waayo waxaa iskaleh Ummadda Soomaaliyeed.

Dhaca iyo boobka hanti Qaran waxaa jira in la dhacay caruurtii dad usoo halgamay dalka sida AUN Ilmahii uu awoowga u aha Mudane Madaxweeyne Adan Abdulle iyo AUN Jeneral Salaad Gabeyre iyo kuwa badan oo halkan lagu soo koobi Karin.

Waxaa laga yaaba ineey imaan doona kuwo dano gaar ah leh oo arinkaan u bedeli doona arin loo la dan leeyahay dad gaar ah, kuwaas waa kuwii uu horay uga hadlay Allaha xafido madaxweeyne Abdiqasim Salaad Hassan.

Waxaan kusoo gaba gabeenaya waxaa la jooga xiligii danta gaarka laga hormarin laha tan guud. Soomaaliya ha noolaato.

Yoonis Khaliif