Munaasabaddii 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Magaalada Göteborg Sweden

Xaflad lagu xusayo Munaasabada 1Luulyo ayaa lagu qabtay Dalka Sweden  Gar’ahaan Caasimada labaad Ee Magaalada Göteborg waxaa kasoo qayb galay dhamaan Qeybaha kala duwan Ee Bulshada Sida Dhalin yarada Ganacsatada Culumaudiinka Odayaash Dhaqanka Kooxa Kubada Cagta Magaalada ka dhisan ardayda Iskuuladaiyo Jaamacadaha waxa ka barto iyo Dhamaan Umada Somaliyeed  Ee Dagan Magaalada Göteborg.

Hadaba Munaasabada  Xaflada 1Luulyo ayaa ugu Horayn waxaa ka hadlay Sadaxa Gabdhood oo so Agaasimay Xaflada waxeyna ku boorinyeen in laga shaqeeyo midnimada umada somaliyeed eyna muhiim tahay in maalintaan aad lo weyneeyo Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Gudoomiye ku xigenka 1aad Ee Kooxda Kubadda Cagta BSK Mudane Yonis Khalif Hassan  waxaana uu sheegay in ay Maanta oo kale ay tahay Maalintii Ay xuriyada ay qaadatay konfurta Somaliya iyo midowgii gobolada konfur iyo waqooyi , isagoo kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed Ee Dagan Wadanka Sweden Gaar ahan Magaalada Göteborg in laga wada shaqeeyo hormarka iyo Midnimada  dalka iyo dadka somaliyeed oo dalkii dib loogu celiya aqoonta laga dhaxalay qurbaha.

Xafladani ayaa bilaabay 11:00 maalinimo  waxaana lagu soo bandhigay dhaqanka iyo hidaha , gabayo wadaniyad xanbaarsan oo halkaas ee ku so bandhigtay Mualifad aad u da,yar laguna magcaabo Muna Mohmed Husssein   oo ay Dhamaan Dadki so qayb galay ay so dhaween sida Quruxda Badan loo qabtay Xaflada iyo sidii ay u soo bandhigeen Dhalinyarada isku xil qaantay Qadiyada 1Luulyo.

 Ugu danbayntii Waxaa la so bandhigay Tartamo Cayaaraha oo lagu maamusayo munaasabada 1luulyo laguna dhiira galinayay Caruurta ka so qeyb galay munaasabada ayaa loo qabtay la Gudoonsiiyey Abaalmarino , waxaana xafladaasi soo abaabulay Kooxaha Kubada Cagta Ee Magaalada Göteborg Sida BSK, GEESGUUG; ANGERED SPORTS KLUBB, SOMALIINTEGRATIONTV, RADIO SOMALIWEYN, MADASHA SAMAWADAAG, GÖTEBORG STAD, iyo KULTUR UNGDOM.

W/Q Sabir Elmi Yusuf

Saabirelmi@gmail.com

Somaliintegrationtv.com

 

Waa Munaasabaddii 1/da Luuliyo ee lagu qabtay Göteborg Magaala Madaxda labaad ee Waddanka Sweden + Video Daawasho wacan.

Posted by Abdi Ali Fidow on Monday, July 2, 2018

I