Maqaal: Waxaa leh Soomaali idin ka badan!

Waxay ahayd hooyo keligeed korisa 7 caruur ah, oo weliba kala bah ah. Mar waxa ay lahayd dukaan, mar foorno muufo lagu dubo, marna howlo kale.

“Habaryar” Fariidow Xasan Caalin, waxay degganeyd guriga naga soo horjeesa oo ay hooyadeed ka dhaxashay. Wiilkeeda Yaasiin, oo aan isku da’ ahayn wuxuu ahaa wiil firfircoon, aadna uga dhex muuqday dugsiga, iyo xaafaddaba. Yaasiin amar Allah ayaa ku dhacay, habeen ayuu seexday, qandho daran ayaa qabatay, kaddibna wuu hadli waayay maalintaas kaddib, Fariidow-na intii yarayd ee ay caruurteeda u dhaqdhaqaaqi jirtay, waxaa waqti badan uga habsaantay la tacaalidda wiilkeeda.

Ma xasuusto taariikhda waa bilowgii 1995 ama dhammaadkii 1994, xabbad xun ayaa xaafadda ka bilaabatay. Dugsiga waan ka kala cararnay. Ma ogeyn waxa socda laakiin. Magaalada Baydhabo oo aad waqti yar joognay, anagio Xamar uga soo qaxnay dagaaladdii UNOSOM iyo Caydiid, waxay isku wada bedeshay goob dagaal.

Markaan guriga ku soo dhowaaday, ayaa waxaan arkay gurigii “habaryar” Fariidow meel talaabooyin u jirta oo ay ka soo socdaan hooyo iyo gabdho kale oo badan oo oynaya iyo rag sida meyd.

Yaasiin, weli ma celin karo hadal, laakiin si fiican buu wax u maqlaa, una fahmaa. Anigoo aan weli fahmin waxa socda, ayaan habaryar Maano weydiiyay waxa dhacay, waxay igu tiri, “orod oo guriga gal, marxuumad Fariidow Ilaahay ha u naxariisto”.

Yaasiin, oo meesha taagnaa ayaa i soo fiiriyay, wuu oynayaa wuxuuna ii luxay madaxa, asagoo leh, “haa”.

Habaryar Fariidow, waxay ahayd beesha Haraaw, Raxaweyn ee degta Goofgaduud Buurey waxay ayada iyo hooyo kale oo Ashraaf ah oo isla xaagaddaas deganeyd, iyo dad kale oo fara badan, oo Soomaali ah, oo aan waxba galabsan ku dhinteen dagaal ka dhex qarxay beelaha Leysaan iyo Hariin oo ma laha dhoolatus qabiili iyo edeb darro sameynayay. Markaas kaddib iyo ka horba sidaan bay isu heysteen, waxaa ugu dambeysay dagaalkii Shaatiguud AUN iyo Xaabsade ee sanadaha socday.

Maalmahaan Baydhabo waxaa ka socda abaabul dagaal oo isla kuwii ay wadaan, laakiin ay dabada ka riixayaan rag danno kale leh. Dabajeexyo ayaa la isu iibsanaya!

Maamulkana Shariif Xasana waa laba mid:

1- Waa faashil aan awoodin inuu xalliyo
2- ama asagaa raba inuu isku diro beelaha si doorashada soo socota November, 2018 loo baajiyo ama loo farsammeeyo.

Baydhabo waxaa ku nool shacab Soomaaliyeed oo sida habaryar Fariidow ah, oo aan waxa is dagaalaya shaqo ku lahayn. Inta qoryaha isku afaysanaysa, Baydhabo dadka deggan 10% xitaa ma gaartaan, ee waxa idin kala gaaray, xalliya. Waxa idin kala gaaray waxa dadka kala gaaray kama dhib badna, laakiin waa “inflammable” oo si sahal ah ku holci kara, sababtoo ah cuqdadda idin dhex taalla.

Waad awooddaan ee is xalliya, shacabkana ha ku dul dagaalaminna!

Madaxeyne Farmaajo, meesha maamul kama jiro, ee adigaa dalka madaxweyne ka ah, mas’uuliyadna kaa saaran tahay badbaadinta dad aan waxba galabsan, oo mooryaan micno darro ku disho!

Hassan Adam Hosow