Maqaal: Fursad Abuure Mahad Salaad

Waa ninka Farmaajo u abuura fursadaha ugu badan! Qof ka dood badan, haddana ka dood jilicsan ma arag. Waa xildhibaan Mahad Salad qofka aan ka hadlayo.

Wuxuu cambaaraynayaa wareegto uu soo saaray guddoomiye Yariisow ee uu leeyahay dhammaan heshiisyadii jardiinooyinka Muqdisho waa laga noqday.

Wareegtada Yariisow waa la diidi karaa ama la yeeli karaa ayadoo sababo dhaqaale, sharci iyo maamul la cuskan karo, laakiin Mahad mana diidin wareegtada Yariisow mana oggolaan ee wuxuu aaday taariikh asagoo leh heshiisyada ay Tarsan, Yuusuf Jimcaale iyo Muungaab galeen waxa uu kaga duwan yahay kii Xasan Abshir gali jiray oo uu dulmi ku sheegay.

Ma wuxuu leeyahay haddii kii Xasan Abshir oo “xaqdarada ahaa” la ogolaaday, kuwa kale ee “xadarada ah” ha la ogolaado? Ame labadoodaba ha la diido? Sidee? Doodaas maxay ku salaysan tahay? Sheekadii waan kala qabnaa miyaa? Ma war xildhibaan?

Wareegtada Yariisow sababo fara badan oo lagu diidi karo ayaa jira oo dhaqaale, sharci iyo maamul, laakiin xildhibaanada Mahad Salaad la mid ah, iyo inta badan mucaaradka sababahaan wax ku ma diidaan, illeen taageeryaashoodu ma fahmaan kuwaas, waxay xoqanayaan wixii u xoqmaya, oo ay fahmi karaan!

Kicin dadweyne “incitement” waa dembi waddamo badan!

Sidaas ma aha mucaaradnimada.

Sida heshiiskii uu la galay Cabdi Iley, ee uu sheegay inuu ku saxiixay magaca beel, ma laha wax walba oo heshiis ah wuxuu saarayaa cabbirkaas!

Farmaajo waa nin nasiib badan! Wuxuu leeyahay mucaarad meelo hoose ku war wareeganaya! Asaga ayay si dadban ugu shaqeeyaan una abuuraan fursadaha ugu badan, waxayna mar walba oo ay hadlaan bulshada tusayaan in uu Farmaajo yahay madaxweyne aad uga sareeya dhiiqada ay ku dabbaalayaan!

Maamul iska macbilo ah waan heysanaa, ee mucaarad u dhigma ha la doonno!

Hassan Adam Hosow