Ciyaarta dhexmartay labada xul ee Belgium iyo Japan ayaa qaybteedi hore ku soo gabagaboowday barbaro goolal la’aan ah.
Markii la isku soo laabtay waxaa si layaab leh shabaqa Belgium u soo laabtay xidiga Japn Genki Haraguji daqiiqaddii 48-aad, Japan oo hogaanka sii dheeraystana waxaa gool qurux badan u dhaliyay xidigooda Takashi Inui daqiiqaddii 52-aad.
Hase yeeshee wixii intaa ka dambeeyay waxaa ciyaarta la wareegay xidigaha Belgium waxaana u suurta gashay inay shabaqa soo taabtaan waxaana u daah furay Jan Vertonghen daqiiqaddii 64-aad ee ciyaarta halka goolka barbarahana uu dhaliyay xidiga United Maroune Fellaini daqiiaddii 74-aad.
Sidoo kale waxaa goolkii guusha ee Belgium ugu gudbeen wareegga 8-da, waxaana waqtigii dhimashada daqiiqaddii 90-aad u dhaliyay Nasir Chadli, iyadoo Ciyaarta waqtigii loogu talagalay ku soo dhamatay 3-2 oo ay guusha ku raacday Belgium, taas oo ka dhigan inay wareega sideedda ku wajihi doonaan Brazil oo galbta soo gudubtay.