Faallo: Safiirkii Imaaraadka Carabta oo hadda dig soo dhahay….

Hadda ka hor ayaa Wiil laga cabsado oo Gaay-Gaay ka ahaa Xaafad ka tirsan Muqdisho ayaa walaalkiis lagu qash-qashaadi jiray Garoonka Qoob-Dooro ee degmada Kaaraan, mar alla markuu garoonka ku soo hormaro oo isaga iyo asxaabtiisa ay damcaan inay kubad ku ciyaaraan waa laga banadi jiray.

Maalmo kaddib wiilkii wuxuu arrinta u sheegay walaalkiisa gaay-gaayga in dhowr maalin kubad laga banaday, markaas ayuu walaalkiisa maalinti kale soo watay, si uu u difaaco haddii kubadda laga banado. Wiilashii ciyaar banadka ahaa ayaa markii ay garoonka yimaadeen inta aysan kubadda banadin ayayba arkeen gaay-gaaygii waaba xariif ay is yaqaaneen, markaasuu ku yiri idinka maa maalin walba walaalkey kubadda ka banadi jiray, markaasey dhaheen. Haa, laakiin adiga inuu kula dhashay uma maleeyneyn!

Hadda Safiirkii Imaaraadka Carabta sidii tan iyo maalintii lagu qash-qashaaday garoonka Muqdisho, lacagtii u imaaneysayna laga banaday ayaa siduu markaas u baxay, miriqdiisa la waayay, waa kan hadda dig soo dhahay oo munaasabaddii 1-da Luulyo ee Stadium Koonis ka soo muuqday, isagoo taagan dhabarka dambe ee Madaxda dowladda, malaha isna gaay-gaay laga cabsado oo deris nala ah ayaa arrintiisa galay.