QM oo ka hadashay tirada dadka ku barakacday colaada Tukaraq,kuna baaqday in la joojiyo Coladaasi.

kadib markii bishii ina dhaaftay ay dagaalo culus ku dhexmareen Deegaanka Tukaraq maamulada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana welo la dareemayo saan saan colaadeed taasi oo ilaa hadalaga gaarin wax xabad joojin rasmi ah oo la dhex dhigay dhinacydan.

Peter De Clerk ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka ka taagan deegaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya degaankaasi inay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.

Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rayid.

“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan karta xaalad halis ah.” Ayuu markale yiri Mr. De Clerk oo la hadlay VOA-da.

Mas’uulkaan wuxuu sheegay inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan aheyn mid rasmi ah.

Dhankakale dalal iyo hey’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.