Munaasabada 1 Luuliyo oo lugu qabatay dalka Nederland magaalada Zwoola iyo nawaxigeda

Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah, kuwaasoo la xuso lagana sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay.

Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran, mid qoys iyo mid shakhsiyadeed oo midba mudnaanteeda loo xuso, taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin diini ah iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan in loo duceyo halgamayaashi soo maray dhulweynaha Soomaaliya

Madaxa Jaliyada soomalida dagan Holland gar ahaan magalada Zwoola iyo nawaaxigeda Cabdulqaadir cali nuune ayaa Waxaa uu ka qeyb galay musabadaasi asagoona kawaramay halgamayashii calanka buluga u horay naftooda iyo dhigooda munaasabada 1 Luulyo.

Waxaa Ka soo qeyb galay fanaiin ka socotay bulshada qeybeheda kala dugan iyo Sidoo kale Waxaa goobtaasi ugu horeen ayadaha quraanka ku daah furay fadilatu Shiikh Cali, kadib waxaa halkaad khudbad taariikhda halgamayaashii iyo Manta heerka Ayna joogno ka soo jeediyey gudoomiya Jaaliyada Zwoola mudane Cabdulqaadir cali nuune ayaa Waxaa uu kula dardaarmay jaaliyada in u gumeystaha uu wili dalka ka bixin oo qaab kale oo cusub kula dagalamaya.

Waxaa uu hamabalyaiyo mahadnaq u jeediyay gabdhaha reer Zwoola iyo nawaaxigood sida quman oo Ay ugu dhabar adegen Isku imaanshaha munasibada.

Waxaa kaloo gudomiyaha ka cudurdaartay inkasto Ay jirin isku socodka gaadiidka dadweynaha ee maglada Zwoolla Ay jiraan shaqo joojin Ay ku dhawaqeen wadayaasha basaska.

Waxaa kaloo hambalya hawada umariyay dhaaman shacabka soomaliyed meel kasta ay joogaan waxaana uu yiri hagaamashii naftooda u soo horay uu rabi u naxariisto.

W/Q/ Bashiir jiidaadaal