Mdaafiic maanta ku soo dhacay Xarunta Xalane oo Fadhiisin u ah Ciidamada AMISOM ee Muqdisho.

Waxaa saakay dhowr Madaafiic ah ay ku soo dhacday nawaaxiga xarunta Xalane ee Degmada Wadajir oo ah fadhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyihin magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan ayaa waxay ahayd Hoobiyeyaal, iyadoo madaafiicda ku soo dhacday degmada Wadajir tiradooda lagu sheegay ilaa 7 Hoobiye waxaana midkood uu ku dhacay Guri ku yaalla aga gaarka xarunta Xalane oo ciidamada AMISOM fadhiisinka u ah.

Hoobiyaashaan ayaa sababay Khasaro naf iyo maal isugu jiro,Hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay Xarunta Xalane ayay dadku deegaanku sheegayaan in guri halkaasi ku yaal uu madafc ku dhacay waxaana ku dhintay ilaa 2-qof oo dadkii gurigaasi deganaa iyo sadax qof oo kale oo iyana ku dhaawacmay
Dhanka kale Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhaceen guryo kale, iyadoo sidoo kale Madaafiicdu sababeen inay dilaan 7-ari ah oo meelku xareysnaa, mana jirto ilaa iyo iminka wax mas’uul ah oo ka hadlay dhacdadaasi.