Madaxweyne Trump oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 1 Luulyo

Muqdisho-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo, sida aan ka soo xiganay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa hadalkiisa ku bilaabay, Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxaa ay daneyneysaa in ay jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.