Madaxweynaha Muritaaniya oo hambalyo u soo dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muritaaniya Sayid Mohamed Ould C/Aziz ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadaan awgeed.

“Mudane Madaxweyne, Saxiib, aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda iyo Shacabka Muritaaniya,waxaan idin kugu hambalyeenayaa farxada maanta, caafimaadkiina iyo horumarkiina,waxaana idiin rajeynayaa baraare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu xaqiijiyay inay sii wadayaan xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dal ee u adeegaya danaha labada Shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Murataaniya.

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa hambalyo taasi la mid ah u diray Madaxda iyo Shacabka Soomaaliya oo ay ka mid tahay Mareykanka.