Xildhibaan Dalxa oo si Kulul Uga Hadley Faragelinta Ay Farmaajo iyo Kheyre Ku Hayaan Baarlamaanka DFS

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Sheegay in fargalin lagu hayo Howlaha Golaha Shacabka Soomaaliya taasi oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Xeerarka uyaal Dalka.

Prof Dalxa ayaa Sheegay Wararka Sheega in 4-bilood laga dhigay Fasaxa Baarlamaanka ay muujinayaan in fargalin Sharci daro ah lagu hayo Howlaha Baarlamaanka arintaasi oo ay ku lug leeyihiin Madaxda sare ee Dowladda si aan loogula Xisaabtamin howlaha ay Qaranka ay u hayaan.

Sidii loogu doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo horey ugu mid ahaaay Xukumada R/wasaare Khayre Baarlamaanka wuxuu noqday Meel laga Maamulo Xafiiska R/wasaare Khayre.