War Deg Deg ah: Guddoomiyaha Sh/Hoose iyo Masuuliyiin kale oo dhaawacmay qarax Miino .

Wararka naga soo gaaraya degaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Miino lala eegtay gawaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka Qarax lala beegsaday uu ka mid ahaa Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxaasi ku dhawaacmay Guddoomiyeyaasha Sh/Hoose iyo Ceelasha Biyaha Maxamed Ibraahim iyo Ayaan Xasan .

Dhanka kale Madaxdaasi ayaa loola soo cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaayo, iyadoo qarax kale oo ka dhacay deegaanka Macaani isna lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidan Millitari ah, qaraxyada daqiiqado ayay kala horeeyeen sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.