Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka Ururka Midowga Afrika ugu furmay dalka Murataaniya.

C/Qaadir Axmed Kheyr Cabdi Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulanka caadiga ah oo ay yeelanayaan Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo loo gogol xaarayo shirka 31,aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July.

 

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika oo ku qabsoomay 28-29 June Magaalada Nouakchott ayaa diirrada lagu saaray geedi socodka dib u habeynta Ururka, mashruuca miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2019, magacaabidda Golaha Hantidhowrka Dibadda iyo horumarrada laga gaarray Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika, Aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika.

Dhanka kale waxaa laga hadlay qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka iyo mustaqbalka heshiiska wadagga ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee loo yaqaan “Cotonou Partnership Agreement”, diyaarinta ajandayaasha shir madaxeedka iyo qodobo kale.