FAALLO: HESHIISKA ETHIOPIA AY LA GASHAY ERITREA WA MID AY UGA MAARMI KARTO SOOMAALIYA:

Siyaasadda iyo dhaqalaha waa laba sheey oo isku xiran aan marnaba lakala qaadi karin, Ethopia waa mushtamac aad u badan oo aan bad lahyn, taasi waxay ka dhigeeysaa inay xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ay ka yeelato dowladaha deriska ee bada leh si baahidaas loo daboolo.

Isbadala siyaasadeed uu la yimid PM. Ahmed ee ku aadan heshiiska dowladda Eritrea waa mid aad looga fikiray ay uga maarmi karto furdaha Kenya, Somalia haduu heshiiskaasi si wanaaagsan loogawada shaqeeyo sababta aan u leenahay Waa kan:

1- Furdadaha Soomaaliya waa mid u baahan Maal-gashi lacag badan taasi oo ay Ethiopia awoodin.

2- Wadooyinkii ay alaabaha u mari lahaayeen oo aan dhisnayn.

3- Amaanka wadooyinkii ay mari lahaayeen alaabahaas oo aad u adag xiligaan in la sugo.

Qodobadda kor ku xusan awgood, Ethiopia waxaa u sahlan inay isticmaadho furdadaha Eritrea iyo Jabuuti tasoo ugu qarash yar ugu fudud dhankasta, waayo waa kuwa dhisan oo leh waxkasta. Waxaan u arkaa is afgaradkii uu la galay Soomaaliya ee furdadaha inuu ahaa siyaasad uu si fiican uga fikiray PM. Ahmed si uu tuso Eritrea inuu ka maarnay furdadooda tasoo uu kaga helaayo inay Eritrea ay u muujiso dhego nuglaan.

Waxaa kaloo ayadana jira in Dowladda Emaratiga ay qayb wayn ku leedahay heshisiinta labada dowladood si ay ugula tartanto Turkiga soo galitaankiisa suuqa Geeska Africa, waxaa kaloo xaqiiq ah in Emaratiga la saadaalinaayo dhaqaale xumo ku soo food leh taasina ay qasab ku tahay inuu si xowli ah u galo suuqyada Africa.

Sheikhnur Abucar Qassim