Daawo Sawirada Qarixii Uu Ku Dhaawacmay Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose

Duhurnimadii Maanta ayay aheyd markii qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho Gaadiid ay la socdeen guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo masuuliyiin kale.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,waxa uuna qabsaday mid ka mid ah Gawaarida Wafdiga oo noocisu ahaa Gaariga loo yaqaano Qooqanta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Ayaan Xasan ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen halka mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha Shabeellaha Hoose uu geeriyooday.

Masuuliyiintii qaraxaasi ku dhaawacantay ayaa loo soo qaaday midka mid ah isbitaalada Magalada Muqdisho si loogu daweeyo,waxana la sheegay in masuuliyiinta dhaawacoodu uu yahay mid fudud.