Boqorka Baxreyn oo dadka iyo Dowladda Soomaaliya Hambalyo u soo diray.

Qoraal ka soo baxay Boqorka dalka Baxreyn ayaa hambalyo ku aadan maalmaha xuriyadda u soo diray Shacabka Soomaaliyeed.

Boqor Xamad Bin Ciise Aala-Khaliifa ayaa warqad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuuna ugu hambalyeeyay maalmaha Xuriyadda ee Soomaaliya, wuxuu sidoo kale dadka Soomaaliyeed u rajeeyay Horomar iyo Barwaaqo.

Dhankale Ra`iisul Wasaaraha dalkaasi ayaa si la mid ah wuxuu hambalyo u soo diray dhigiisa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ugu hambalyeey dabaal daga Shacabka iyo dowladaba ay ugu jiraan maalmaha Xoriyadda.