Kulan ka dhacay Burdheere (koogaar) ee Degmada Cadale…

Waxa isugu imaanay odayaasha beesha shir si looga arrinsado kulanka soo socda ee Burdheere Degmada Cadale. Waxa laysla qaatay in laysku tashado lagana qeyb galo kulanka ee Maamul Gobolkeena Hirshabeelle soo jeediyay si loo saxo qaladaadkii dhaceen kedib heshiiska ku meel gaarka ah. Lana soo dhammeystiro isla heshiiskaas.

Kulan kan ka horeeyay waxaay xildhibaanada deegaankaas iyo dhammaan deegamada gobolka Sh Dhaxe iyo hogaanka dowlad gobolkeena Hirshabeelle isla qaateen in qofka qof kale dila loo dilo isaga iyo in la dedejiyo dhismaheeda maxkamadda ciidamada qalabka sida heer gobol si loo fuliyo go’aamadaas wax ku oolka ahaa.

La kulanka odayaasha waxa uu ku soo dhammaaday in diyaar loo yahay safarka BURDHEERE.