FAALLO: PUNTLAND WAA SOOMAALIYA: MA’AHA IMAARAADKA

Imaaraadka oo darbiga kasoo booday kadib markii dawladda federaalka iridda hore ee dalka ka xiratay. Saraakiil ka socda dawladda Imaaraadka ayaa shalay si sharcidarro ah oo aan dawladda federaalka ogeyn ku tagay degaanada Puntland ee Soomaaliyeed gaar ahaan magaalooyinka Qardho iyo Badhan.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Imaaraadka halkaas ey geeyeen maalaayiin lacago laaluush ah oo ey ku harqiyeen isimada iyo siyaasiyiin. Imaaraadka ayaa ujeedadoodu tahay iney saameyn ku yeeshaan doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo 8da Janaayo 2019. Maadaama xildhibaanada wax dooranaya ey soo xulayaan oday-dhaqmeedyada, Imaaraadka waxay doonayaan iney gataan oday-dhaqmeedyada si ey usoo xulaan xildhibaano doorta shaqsi Imaaraadka kaba-qaade u noqda.

Imaaraadka waxay kaloo doonayaan iney Puntland u adeegsadaan duminta dawladda federaalka ee Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaa dawladda federaalka la gudboon iney jawaab adag ka bixiso howlaha gurracan ey Imaaraadka ka wadaan degaanada Puntland, maadaama ey dawladdu tahay cidda kaliya ee dawlad shisheeye u fasixi karta iney dalka soo galaan amaba ka mamnuuci karta.

Waxaan marnaba la daawan karin in dal shisheeye ah uu noo dabamaro dalkeena iyagoo doonaya inuu fasahaadiyaan oo fitno iyo khalkhal ka abuuraan dalkeena.

Abdicasis Arab