Qalbi Dhagax Oo Kamid Noqday Mucaaradka Dowladda Itoobiya Sii Deysay

Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi Dhagax oo Sanadkii 2017-kii kadib wada shaqey dhexmartay taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe iyo Safiirka dowladda Itoobiya u Fadhiya Soomaaliya, kuwaa oo u gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cabdikariin Qalbi Dhagax aanuu kabixi karin gudaha dalka itoobiya Maadaama uu yahay Sarkaal katirsan Ururka ONLF isagoo ka mid noqonaya dadka isbadal doonka ah ee dawlada Itoobiya doonayso inay badalaan hogaanka ismaamulka Soomaalida itoobiya,

iyadoo dowladda Itoobiya diyaarineyso in kacdoon shacab xilka looga qaado Cabdi Ileey, maadama hogaanka Itoobiya ay hadda gacanta u gashay kacdoonka Orormada oo u arka in muhiim ay tahay xilka qaadista Cabdi Ileey.

Magaalada Addis Aabba ee dalka Itoobiya waxaa ku qulqulaya dad badan oo Soomaali ah kana yimid wadamada deriska la ah Itoobiya iyo dad kayimid Qaaradaha Yururb Iyo Waqooyiga Ameerica, waxaana dadkan Soomaalida u badan ay doonayaan in isbadal lagu sameeyo Maamulka hadda gacanta ku haya deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weey adagtahay in la saadaaliyo kacaanka cusub uu hogaaminayo Abyi Ahmed sida uu wax u doonayo ay u dhacaan oo ah Ismaamulada Itoobiya oo dhan xilka uu ka qaado, iyo Taliyaasha Ciidamada Itoobiya iyo in uu isbadal ku sameeyo dhaqaalaha Dalkaasi.

isagoo sidoo kale qorsheynaya inuu xeriir fiican la yeesho dowladaha Itoobiya deriska la ah ee kala danta ah.!

Caqabada ugu adag waxeey ka imaan doontaa sida heshiis siman uu ula sameysan lahaa Jabuuti Iyo Eretria oo dhul weyn isku heysta, waxaa kaloo caqabad ku noqoneysa sida xeriir siman ula sameyn lahaa Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federlka Soomaaliya oo isku haya Qadiyad Siyaasadeed.

Waxaa falanqeynteeda ku soo qabagabeynayaa sii deynta Cabdkirim iyo ragga Mucaaradka ku ah dowladda Itoobiya ee horay loo siidaayay oo dhan ma suurtagaleyso in Qawmiyadaha itoobiya heshiis nabadeed qaataan iyadoo dib u habeyn lagu sameenin Dastuurka Itoobiya, ee Faderaal ku sheega ah ee sida khaldan loo qoray

maadama Qoymiyada Itoobiya isku heystaan dhul badan, Tusaale ahaan Maamulka Soomaalida Iyo Maamulka Oramada oo isku heysta muddo 27-sano Magaalada Diridhabe.

caalim68@hotmail.com

Danjire Mahamed Caalim