MAQAAL: WAYDIIMO WAX KU OOL AH:

Dadka Cafiska dalbanaya ma ku jiraan kuwii 2006 inta dhaheen jahaad baan la galeynaa ciidanka Ethiopia ee ubixii wadanka iyo mustaqbalkii dalka ku halaagay, kadibna kursigii u daba maray madax weynihii markaa talada hayay? MAYA.

Dadka cafiska dalbanaya maku jiraan shabaabka shacabka qaraxyada ku laayo? MAYA

Dadka Cafiska dalbanaya maku jiraan qab qablayaashii iyo hoggaamiye kooxeedkii la dagay horumarka caasimadda iyo koonfurta soomaaliya? MAYA.

Dadka cafiska dalbanaya maku jiraan kuwa maalin walba u dhaarta danta dalka, iyo dadka ee marka ay kursiga ku fariistaane danahooda qabsada? MAYA.

Dadka Cafiska Dalbanaya maku jiraan ganacsatada soo dhoofisa raashinka dhacay? MAYA.

Dadka cafiska dalbanaya maku jiraan kuwii TAHRIIBAYAASHA inta doomo ka buuxiyaan xeebaha ku daadin jirey? MAYA.

Oo yaa la cafinayaa yaase wax cafinayo??

Qore: Walicade Shariifka.