Ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday saldhigyo ku yaala Magaalada Laasa Caanood.

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascanood ayaa ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland ayaa xalay weerar culus waxay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo ku sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaaladaasi.

Dadka Magaalada Laasa Caanood ayaa sheegay in xaaladu magaalada ay haatan caadi tahay islamarkaana shacabku ay muujinayaan Cabsi badan,taasi oo ku aadan ciidamo taabacsan Soomaaliland ay iyaguna weerar jawaab celis u muuqda ay ku qaadaan Ciidamada Puntland ee ku sugan goob aan sidaasi ugu fogeyn magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ay ciidamada Puntland ku qadeen Ciidamada Soomaaliland ee ku sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waana markii labaad oo ciidamada Puntland ay ka fuliyeen magaalada Laascaanood mudo maalmo gudahood ah.

Dhanka kale Gobalka Sool ayaa waxaa xiligan ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyadoo marar badan dowlada dhexe iyo Beesha calaamka ay ku baaqeen in la qaboojiyo colaada u dhaxeysa labada Maamul.