15-ruux oo ku geeriyootay dab ka kacay Suuq ku yaala Magaalada Nairobi.

Dab xoogan oo waxyeelo soo gaarsiiyay hanti fara badan ayaa qabsaday suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la soo sheegayo in dabkaasi uu sababay khasaare fara badan.

Warbaahinta magaalada Nairobi ayaa maanta baahiyay in Ugu yaraan 15 qof ay ku geeriyootay dab ka kacay suuq ku yaalla magaalada Nairobi, sidoo kalana ay ku dhawaacmeen ku dhawaad 50 qof,islamarkanaa waxaa la tilmaamay dabkaasi inuu geystay khasaare hantiyeed.

Dhanka kale ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay inuu db ka kaco bartamaha suuqa ugu weyn ee ku yaala magaalada Nairobi, sidoo kale weli dowlada Kenya kama hadlin dabkan ka kacay suuqa ugu weyn ee magaalada Nairobi.