Tarsan ”Madaxda Goboladda Taariikh xun ha u horseedina jiilka Mustaqbalka…”

Taariikh laguma galo dal la kala gooyo, ummad lakala qoqobo, bulsho isir lagu kala sooco. Waxaan leeyahay madaxda gobolada Somaaliyeed in ay ka fekeraan taariikhda ay rabaan in ay ka tagaan, ma waxey noqoni mid la iska iloobo mase mid ummadu ay nacalad ka daba tuurto mase mid ummadu ay mahdido oo ay meel kasta ku xusto?

Bal South Afrika fiirsha xageebey ku dambeeyen kuwii ummadda kala qoqobijirey? Yaa wax ka xasuusta? Bal arka ninkii 27 Sano xabiska ugu jirey diidmada siyaasada kala qoqobka oo markii uu awoodii hantiyey ka fogaadey in dib u xasuusto wixii lagu sameyey kana doorbidey in uu ummadda mideyo intii uu aar gudsi ku dhaqaaqi lahaa. Maanta meel kasta ayey taariikhdu ku xustaa wuxuuna ka taaganyahey Barlamaanka Ingiriska hortiisa asaga oo dhagax laga qorey.

Waxa Somaaliya ka socda ee dowlad qabileysiga waa qoqob siyaasadeed oo lagu qeybinahayo bulshada Somaaliyeed ummaddana dan uguma jirto inta aan ka aheyn kuwa madaxda ka ah dowlado qabileysiga iyo kuwa ku wareegsan oo ku daneysanahaya.

Waxaan leeyahay bulshadu waxey u omantahey madax isu keenta oo mideysa xooga iyo talada. Waxaan kula dardaarmi in madaxdu doorato in ay ka tagto taariikh wanagsan oo lagu xasuusto marka ay ka tagaan aduunka aan maanta joogno.