Mexico iyo Sweden oo soo gudbay iyo South Korea oo ka reebtay Koobka Aduunka Xulka Germany

Guruubka F ayaa maanta ciyaaraha Tartanka Koobka Aduunka kuwaas oo wada qabsoomay hal saacad ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin aan ahayn kuwii la saadaalinayay.

Ciyaartii u dhaxaysay wadamada Mexico iyo Sweden ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo lagu xasuuqay xulka Mexico.

Ciyaarta oo qaybteedii hore waxay ku soo gaba gabowday 0-0 goolal la’aan ah, Balse markii la isku soo laabtay ayay xidigaha ISweden ayaa sidii daadkii ku harqiyay goolal xulka Mexico, waxaana daqiiqaddii 50-aad goolka u daah furay xidigooda L.Augustinsson, waxaana kii labaad dhaliyay A.Granqvist daqiiqaddii 62-aad goolkaas oo ahaa mid rigoore ah, waxana bandhigga goolasha Sweden soo xiray xidiga E.Alvarez oo gool iska dhaliyay daqiiqaddii 74-aad.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagaly ku soo gabagaboowday 3-0 oo ay guusha ku raacday xidigaha Sweden.

Ciyaartii kale ee ka tirsanayd guruubkan F ayaa waxay dhexmartay Germany iyo South Korea waxayna ku soo idlaatay natiijo ahayd mid ay ku soo gabagabowday noloshii koobka Adduunka ee Germany.

Xidigaha South Korea ayaa waxay heleen goolkooda koobaad daqiiqaddii 90-aad ee ciyaarta waxayna ka heleen Y.Kim,halka isla daqiiqaddi 90-aad soo gabagabeeyay noloshii Germany xidiga Tottenham ee Son oo dhaliyay Goolkii labaad ee Ciyaarta.

Dhanka kale Xulkii ku guulaystay koobkii Aduunka ee 2014-ka waxayna ka xirxiran doonan boorsooyinkooda Ruushka, iyadoo wareega xiga ay u gudbeen xulalka Sweden iyo Mexico.