Maxaa ka jira inuu Hogaamiyaha Al-Shabaab ku Geeriyooday degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe?.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka J/Dhexe ayaa sheegaya in Hogaamiyahii Ururka Al-Shabaab maalintii Isniintii Gelinka dambe uu ku Geeriyooday degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe, iyadoo bilihii dambe uu la il darnaa xanuun muddo dheer haayay.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga iyo NISA ayaa u sheegay saxaafadda in la xaqiijiyay Geerida hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye oo Gudaha Al-Shabaab looga yaqaano Shiikh Axmed Abuu-Cubeyda.

Hogaamiye Abuu-Cubeyda oo dhaawac qabay ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay uu wajahayay xanuun daran waxaana ka sii darayay xaaladiisa Caafimaad, taas oo markii dambe sababtay inuu u Geeriyoodo Xanuunkaasi mudada haayay.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maleeshiyaadka Al-Shababa ee ku aadan geerida hogaamiyahoodii Axmed Diiriye, iyadoo Al-Shabaab ay hogaamiye u doorteen kadib markii duqeyn uu ku dhintay Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Gudaha Al-Shabaab looga yaqiinay Sh/Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.