MAQAAL: SIYAASADDA WANAAGSAN WAXAY KA XOOG BADAN TAHAY HUBKA

Markaan arkay isbadalka siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, markuu maanta yimid dalka Ethopia wafdi heer sare ka socda dalka Eritrea uu hogaaminaayo Eritrea’s Foreign Minister Dr. Osman Saleh.

Hadakadii uu ka jeediyay PM. Ahmed waxaa ka mid ahaa “ Waxaan u aragnay dagaalka naga dhexeeyo mid aan aqliga ku dhisnayn, waxaan rabnaa in walaalaha Eletareeye ay nagu soo booqdaan halkaan, taas awgeed waxay dayaaradeena tagi doontaa Asmara. Waxaa la joogaa watigii dib u heshisiinta, naceebkana jeceel lagu badali lahaa” PM Abey Ahmed.

Maanta waxaan soo xasuustay mar aan wada casheeynay Wasiirka Arimaha Dibada Eritrea Dr. Salah wuxuu ii sheegay in goolka ugu dambeeya ee aan hiigsaneeyno uu yahay in la baadi goobo siyaasad cusub oo gobolka u hor seedi karta deganaasho iyo hurumar.

Waxaan ugu jawaabay waa arin fiican hadeeysan waxba u dhineeynin madaxbanaanida dalkastaa la xushmeeyo, oo dhinac leeska dhigo fikirka beenta ah. Aad buu uga helay inuu madaxa luxay buu yiri “ waan idin tab’nay, aad baan idinku xiiso qabnaa, nabada gobolka iyo hurumarkiisaba la idinkaga ma maarmo”

Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa labada dowladood oo dagaalkiidi ku badalay wada hadal iyo is afgarad. Soomaaliduna waa inay heshiyaan oo midoobaan si ay wax ula qaybsadaan gobolka, hadii kale waxaa hubaal in inaan dib uga dhaceeyno hurumarka ka socda Geeska Africa.