Magaalada Jabuuti oo ay ka socoto Dabaal dagayo maalinta Xuriyadda Dalkaasi ku aadan ee 27-ka June.

Waxaa socda xaflado loogu dabaal dagayo maalinta dalka Jabuuti uu xuriyadda ka qaatay Gumeystihii France, waxaaba saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Jabuuti dabaal dagyo xuriyadda Jabuuti lagu maamuusayo oo maanta ku beegan.

Jabuuti ayaa Xuriyada ka qaadatay Gumeestihii Dalka France 27-kii June sanadkii 1977dii waxaana ka soo wareegatay 41 sano, Madax ka tirsan Wadamada Africa ayaa ka qeyb galaya xafladaha ka dhacaya dalkaasi.

Dhanka kale Jabuuti ayaa ah wadan yar oo ku yaala Bariga Africa, waxaana ku teedsan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, waxaana fariismo ku leh wadamo badan oo reer Galbeed ah kuwaas oo ku loolamayo Qaaradda Africa.