Madaxweynaha Jabuuti “Soomaaliya wadadii isku filnaanshaha ayey ku socotaa, waxaana…”

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ee ammaanka iyo siyaasadda wuxuuna madaxda Dalka ku amaanay dadaalada ay wadaan ee soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay iney Soomaaliya ka soo kabaneyso Dhismaha Ciidamada, Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha markii loo eego sanadihii dambe iyo dadaalada ay sameeyeen madaxda isbadashay isagoo sheegay in la joogo waqtigii la garab qaban lahaa xaaladda soo kabashada ah.

“Soomaaliya wadadii isku filnaanshaha ayey ku socotaa, waxaana soo kabanaya dhismaha Ciidamada oo ay tahay iney la wareegaan amaanka dalkooda waana annaguna inaan ku taageernaa xaaladaasi wanaagsan ee muuqata, waa la gaaray waqtigii ay AMISOM ku wareejin laheyd amaanka dalkooda Ciidamada Soomaaliya laakiin waxay u baahan yihiin in dhaqaalo lagu taageero” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhanka kale Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka hadlay arimaha ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool oo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland isagoo labada dhinac ka dalbaday inay ka caqli yeeyshaan dagaal qabiil oo ay u midoobaan danaha iyo mustaqbalka Soomaaliya.