Kooxdii Alshabaab Waa Kala Jabtey Maxeey Isku Badali Doonaan ?

Mahad Karate oo ahaa hoggaamiyaha qeybta sirdoonka kooxda ee Amniyat-ka loo yaqaan ee alshabaab ayaa xalay noqday hogaanka kooxda alshabaab ee cusub kadib markii xalay fiidkii uu dhintay hogaamiyihii kooxda alshabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo waqti dheer xanuun sanaa isla markaana uu haleelay Cudurka Canser-ka caloosha haleela.
Golaha shuurada oo qaabilsan go’aan ka gaarista cidda qabaneysa hoggaanka kooxda alshabaab ayaa ka kooban sideed xubnood waxaana maalmahan u socday shirar isdaba jooga markey geerida hogaanka xaqiiq sadeenna waxay sameeyeen Doorasho deg deg ah wuxuu mahad karatee ku soo baxay shan cod.

Sadex cod waxaa helay Macallin Cusman oo ah hoggaamiyaha ciidamada lugta ee kooxda alshabaab labadaan nin waqti dheer waxaa ka dhaxeeyey fikir kala duwanaansho ah marka loo eego hawlgalinta dhalin yarada alshabaab.
Hogaamiyaha cusub ee Al shabaab

wuxuu noqonaya hogaamiye laga diido hogaankiisa Goblada shebeelooyinka iyo Jubooyinka. Al shabaab ayaa waxa ay hadda wajahayaan dhibaatooyinkii ugu adkaa iyagoo kala qeybsan waxaana sidoo kale ku socda duulaan xoog leh oo Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda caalamiga ah ku hayaan sida duqeymaha diyaaradaha Mareykanka iyo howlgallada Military ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM isku baheysteen.

Gobalda Bay iyo Bakool waxaa kal hore gacanta ku dhigay hogaamiyaha Dawlada Faderaalka wada hadalada kula jira Muqtaar Robow .

Kooxda ee Gobalka Gedo joogta waa firqo doonaysa inay isku badasho Daacish hadii waqtigu u saamaxo.

Hogaamiyaha cusub ee Mahad Karataay marna suurta uma noqon doonto inuu sii joogo Gobalada Koonfurta Soomaaliya waa inuu u soo guura dhulka Gobalada dhexe gaar ahaan dhulka u dhow bada weynta Hindiya.

Ilaa sanadkii 2014 kooxda alshabaab waxaa ku socda dagaal u diiday in xera samaystaan sidii magaalada Baraawe looga Qaxiyey iyaga dhexdoodana dagaal ayaa ka jiray dhowr hogaamiyeyaal iyo saraakiil sar sare ayeey iska dileen.

Warkan waxaa laga helay hay’adaha reer Galbeedka ee ladagaalama kooxaha Argagixisada ee Alshabaab iyo Daacish.

W/Q: Danjire Maxamed Nuur Caalim
E-mail: Caalim68@hotmail.com