France iyo Denmark oo ka soo gudbay Groupka xilli ay Australia iyo Peru ay ka hareen Koobka Aduunka.

Ciyaaraha ka tirsanaa kulamada u danbeeya heerka guruubyada ee koobka Aduunka ayaa ku soo idlaaday natiijooyinkii la saadaalinayay.

Wadamada Denmark iyo France ayaa ku soo idlaatay barbarro goolal la aan ah, labada waddan ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan Ciyaar wanaag.

Xidigaha faransiiska ayaa ciyaarta inteeda badan kubadda ku damaashaadayay, inkasta oo aysan u suurta galin inay shabaqa gaaraan.

Xidigaha denmark oo dhankooda isku dayay inay shabaqa gaaraan ayaysan u suurtagalin, waxayna ciyaarta ayaanaku soo dhamaatay 0-0 goolal la aan ah.

Ciyaartii kale ee ka tirsanayd guruubkan ayaa dhexmartay Peru iyo Australia, iyadoo xidigaha Peru hoggaanka u qabtay ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 18-aad waxana u saxiixay Gool A.Carillo.

Peru o bandhiggeeda qurxoon sii wadata ayaa heshay goolkeedii labaad waxaana u saxiixay markan daqiiqaxdii 50-aad xidigood p. Guerrero.

Xidigaha Austaralia ayaysan u suurta galin inay shabqa gaaraan ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday xulka Peru Kadib kulamadii laga ciyaaray guruubkan waxaa wareegga xiga u gudbay Denmarka iyo France halka Peru iyo Austaralia ay isaga hareen koobka Aduumka.