Ciidamada xooga oo sheegay inay gacanta ku dhigeyn Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka ayaa ku guuleestay xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha ay ka qaado shacabka isticmaala buundada Araare.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutada 11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay in maanta Al-shabaab laga saaray buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha.

Gaashaanle dhaxe Cabdi Ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaal ay lagaleyn Al-shabaab ay ugu dileyn 7 dagaalame sidoo kalane ay ka furteen hubkii ay wateen xubnahaasi.

Sidoo kale mas`uulkaan ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ayaa nolosha ku qabteen labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.